MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si weyn ugu dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliya in Dowladu ciidamo geyso ilaa Mudug xili sida uu sheegay Alshabaab ay joogaan deegaanka Basro oo dhaca duleedka Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Jeesoow oo wareysi siiyay Warbaahinta Shabelle ayaa xusay inay qalad tahay ciidamada ilaa mudug la geynayo iyadoo sida uu sheegay beerta Cali Mahdi ee Balcad iyo Basro ay Alshabaab u tahay xaruntooda ay dadka ku maxkamadeeyaan.
” Madaxweynuhu ma ahayn inuu ciidamo geeyo luuqa yar ee reerkiisu degaan iyadoo Alshabaab ay joogaan Basro” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow
Xildhibaanka wuxuu intaasi ku daray inay arin kale tahay hadii Madaxweynuhu rabo kaliya inuu ciidamo geeyo meelaha sida gaarka ah reerkiisu u degaan taasina wuxuu sheegay inuu ku ahayn magacii u baxay ee dal-xoreeye.
Mar uu ka hadlayay dhulalka reerkiisa Gaaljacel ee Alshabaabku heystaan ayuu sheegay inay diyaar u yihiin inay xoreeyaan balse kaliya ay u baahan yihiin inay helaan taageerada Dowlada Soomaaliya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement