Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo soo fagay musuqmaasuq maaliyadeed  Guddoonka Golaha Shacabka ku lunsaday lacag kor u dhaafeysa $3.5 milyan.

Anigoo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, kuna howlan korjoogteynta maaliyadeed iyo ilaalinta daah-furnaanta hay’adaha dowliga ah, waxaan fuliyey baaritaan xisaabeed qoto dheer (Forensic Audit) oo lagu sameeyey dhaqaalaha Golaha Shacabka. Baaritaankaan wuxuu ku saleysan yahay ururinta xogta (data mining), falanqeynta maaliyadeed, iyo farsamooyinka xisaab-xirka baarista (forensic accounting).

Daraasaddan waxaa laga helay Diiwaanka Guud ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, kaasoo kaydiya dhammaan wax kala wareegyada maaliyadeed ee dowladda, oo ay ku jiraan kuwa Golaha Shacabka, Xukuumadda, iyo Garsoorka.

Falanqeyn aan ku sameeyey dhaqaalaha uu maamulay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Xoghayaha Joogtada ah, iyo Whip-ka Golaha Shacabka muddo shan bilood ah waxay muujisay hab-dhaqan musuqmaasuq maaliyadeed oo nidaamsan, xatooyo iyo lunsasho baahsan. Xogtu waxay caddeyneysaa jiritaanka nidaam si fiican loo abaabulay oo lagu dhisayo xisaabo been abuur ah, wax kala iibsi la buunbuuniyey, qandaraasyo aan hufneyn, iyo lacag si aan sharci ahayn loo qaato, si loogu leexsado lacagaha dadweynaha dano gaar ah iyo kuwa siyaasadeed.

Natiijooyinka Baaritaanka Xisaabeed: Hab-dhaqanka Musuqmaasuqa Maaliyadeed
1. Lacag Ku Sheegyo Been Abuur ah oo Lagu Bixiyey Daryeelka Xildhibaannada ($185,800)

> $185,800 ayaa lagu bixiyey qasnadda Golaha Shacabka si loogu adeego Xildhibaannada muddada shanta bilood ah, balse baaritaan la sameeyey wuxuu muujinayaa inaan xildhibaan kasta oo la waraystay helin wax daryeel ah.
> Ma jiro wax caddayn ah oo muujinaya qaataha lacagaha, oggolaanshaha rasmiga ah, ama xisaab celin muujinaysa sida lacagaha loo bixiyey.
> Tani waxay muujinaysaa in lacagaha lagu leexsaday qaab aan jirin oo loogu magaca daray daryeelka Xildhibaannada, balse loo adeegsanayey dano kale.

2. Musuqmaasuq Ka Dhacay Adeegga Raashinka ($833,396.91)
> Lacag dhan $833,396.91 ayaa loo qoondeeyey adeegyo raashin oo la siiyey sadex shirkadood oo kaliya (Mogadishu Guest House, DEH, iyo Guest House Restaurant) muddada shanta bilood ah.

Baaritaanka wuxuu muujinayaa:
> Ma jiro tartan qandaraas oo furan, taasoo shaki gelinaysa hufnaanta nidaamka wax iibsiga.
> Qiimaha cuntooyinka waa mid aad u sareeya, isagoo si joogto ah usoo laabtay bil kasta iyadoon wax kala duwanaansho ah la dareemin.

Calaamadaha Musuqmaasuqa:
> Kharashka la buunbuuniyey: Xisaabta la bixinayo aad ayey uga badan tahay cunto kasta oo suurtagal ah oo xildhibaannada u baahan karaan.
> Qandaraasyo isku xiran: Isla shirkadaha ayaa loo xushay qandaraasyada iyadoo la jebiyey xeerarka tartanka suuq-geynta.
> Rasiidhyo is-dul-taagan: Waxaa la helay rasiidhyo soo noqnoqday oo muujinaya lacag si been abuur ah loo saaray.

3. Kharashaad Been Abuur Ah Oo Lagu Sheegay Kiirada Guryaha ($274,219)
> $274,219 ayaa lagu bixiyey kiraynta guryo, inkastoo Guddoomiyaha Golaha Shacabka leeyahay guri u gaar ah oo weyn.
> Ma jiraan wax heshiis kiro ah, xisaab-celin sharci ah, ama caddayn muujinaysa cidda guryahaas lagu kireeyey.
> Lacagaha waxay u muuqdaan in loo leexsaday dad aan la aqoonsan ama lagu laalmay qandaraasyo been abuur ah.

4. Kharashaadka Safarrada Oo Isku Dhafan Oo Aan Caddayn Lahayn ($366,573.53)
> Lacagta la bixiyey muddada shanta bilood ah:
> Tigidhada duulimaadyada: $137,183.53
> Kharashaadka safarka: $229,390

Falanqeynta waxay muujinaysaa iska hor imaad kharash, oo ay ka mid yihiin:
> Kharashaad is-dul-taagan: Waxaa jira lacag labajibbaaran oo loo saaray qodobo kala duwan, si kharashaadka loogu buunbuuniyo.
> Lacagta oo si toos ah cash lagu bixiyey: Ma jiraan tigidhyo la diiwaangeliyey, safarro la xaqiijiyey, ama caddayn muujinaysa in lacagahaasi loo isticmaalay safarro rasmiga ah.
> Ma jiro qof lagu xisaabin karo: Lama hayo diiwaanka caddaynaya cida safarradaasi ka faa’iidaysatay.

5. Musuqmaasuq Ka Dhacay Iibsiga Shidaalka ($347,020.12)
> $347,020.12 ayaa lagu sheegay in lagu iibsaday shidaal muddo shan bilood ah, inkastoo baabuurta Golaha Shacabka aysan ka badnayn 10, kuwa badanna aan la isticmaalin.
> Xogta waxay muujinaysaa in shirkadaha HAAS iyo Lukman Petroleum ay la shaqeynayeen mas’uuliyiinta si ay u sameeyaan shidaal been abuur ah.

Calaamadaha Musuqmaasuqa:
> Kharashaadka shidaalka lama jaanqaadayo isticmaalka baabuurta.
> Rasiidhada ma hayaan wax caddayn ah oo muujinaya in shidaalka si dhab ah loo isticmaalay.
> Shirkadaha shidaalka waxay heleen lacag tiro isku mid ah bil kasta, taasoo muujinaysa in la sii qorsheeyey musuqmaasuqa.

6. Musuqmaasuqa Iibsiga Agabka Xafiisyada ($536,965.33)
> Inkastoo xafiisyada Golaha Shacabka ay horey u lahaayeen agab iyo qalab ku filan, haddana waxaa:
> Lacag dhan $362,690.28 lagu sheegay in lagu iibsaday kuraas iyo miisas cusub.
> $174,275.05 ayaa lagu bixiyey qalab xafiis oo aan jirin caddayntooda.Ma jiro wax diiwaan gelin ah, caddayn iibsi, ama xisaab celin muujinaysa halka ay lacagahaasi ku baxeen.

Wadarta Lacagaha La Lunsaday: $3,564,229.96

Baaritaanka xisaabeed wuxuu muujinayaa in Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Xoghayaha Joogtada ah, iyo Whip-ka ay si nidaamsan u lunsadeen in ka badan $3.5 milyan muddo shan bilood ah.

Golaha Shacabka waxaa si toos ah loogu adeegsanayaa in lagu xado hantida dadweynaha.

Tallaabooyinka Degdega ah ee la Qaadayo:
1. Baaritaan Madaxbannaan: In la sameeyo baaritaan caalami ah oo degdeg ah.
2. Raad-raac Hantiyeed: In la qabto hantida si sharci darro ah lagu helay.
3. Dacwado Sharci ah: In maxkamad la horkeeno mas’uuliyiinta ku lugta leh.
4. Dib-u-habeyn Maamul: In la xoojiyo nidaamka xisaab-xirka iyo daah-furnaanta.

Waa in la joojiyaa boobka hantida shacabka!

Dr. Abdillahi Hashi Abib – BA, MA, MASc, Ph.D
Member of Foreign Affairs Committee
Federal Republic of Somalia the House of People
Mogadishu, Somalia
MP- HOP #201 Awdal Region and Gebileh District
Leader of the Accountability and Transparency Caucus of the House of People
E: abdillahi.abib@parliament.gov.so
W: + 1-571-436-7586 M: + 252-6108-22469

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here