MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid oo ka mida mudanayaasha Baarlamaanka ayaa dhaliilay kana hor yimid amar dhawaan ka soo baxay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur  (Madoobe)  kaasoo ahaa in xildhibaanadu shir jaraa’id ku qaban karin gudaha iyo banaanka xarunta Golaha shacabka.

Xildhibaanada ayaa inta badan mar kasta oo shirka Baarlamaanka uu soo dhamaado waxay banaanka iyo gudahaba kula hadlaan wariyayaasha Soomaaliyeed iyagoona ka hadlay hadba ajandaha markaas jira iyo aragtiyada ay ka qabaan.

Advertisement

Xildhibaanka ayaa carabka ku adkeeyay inay talaabada Gudolomiyaha Baarlamaanku tahay mid saxaafada iyo mudanayaasha baarlamaanka lagu caburinaayo sidaas oo kalana ahayn mid suurtoobeysa in la hor istaago fikradahooda.

“Waxaa nasoo gaartay in Idaacadaha laga mamnuucay inay baarlamaanka hortiiisa ay wararka ku duubtaan runtii suurtagal ma’aha, wax na qabta ma’ah, Ummadda Soomaaliyeedna cadaalad uma ah” ayuu yiri xildhibaan Cabdirsaaq Ciid.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “”Suurta gal ma’ahan in Xildhibaanada loo diido in ay la hadlaan warbaahinta oo ay cabshaha shacabka gudbiyaan, midaasi waa caburin mana yeeleyno”.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here