Sida lagu shaaciyay facebook-ga Maamulka Somaliland Xildhibaan ka tirsan Dowlada Britain ayaa golaha uu ka tirsan yahay ka codsaday in la aqoonsado Somaliland gooni u goosadkooda.
Qoraalka Maamulka Somaliland ayaa sidan u qornaa:-
Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska, ayaa beesha caalamka, gaar ahaan UK ugu baaqay inay si degdeg ah u aqoonsadaan Jamhuuriyadda Simaliland.
Gavin Williamson wuxuu sidaas ku sheegay warbixin uu ku baahiyay warbaahinta Ingiriiska oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA. waxaannu ku dooday in dawladda fashilantay ee Soomaaliya aanay jalaafayn karin ictiraafka Somaliland.
Xildhibaan Gavin Williamson wuxuu xusay in Somaliland tahay dal madax-bannaan, xasilloon oo dimuqraadi ah, halka Soomaaliyana uu ku sifeeyay waddan fashilmay oo ay ka jirto argagixiso, musuqmaasuq iyo budhcadnimo.
Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray in marsada Berbera iyo madaarka magaaladaasi ay yihiin kaabayaal istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga caalamka iyo hay’adaha amniga ee reer galbeedka, waxaanu carabka ku dhuftay in marinka Bab-el-Mandeb oo ay maraan 12% ganacsiga caalamku.
Gavin Williamson wuxuu caddeeyay in Aqoonsiga Somaliland uu ka hortagi doono saameynta Shiinaha, Ruushka iyo Iiraan ee gobolka, kuwaas oo xaqiijiyay inay doonayaan inay la saftaan Somalia si ay u wiiqaan danaha reer galbeedka.
Xildhibaanku wuxuu sharraxay inay Somaliland leedahay sooyaal dheer oo doorashooyin dimuqraadi ah iyo maamul shaqeynaya, taas oo ka dhigaya waddan mudan aqoonsi, si ka duwan Soomaaliya.
Gavin Williamson wuxuu ku booriyay dunida reer galbeedka inay ictiraafaan Somaliland, si looga hortago in fursad muhiim ah la siiyo dawladaha kelitaliska ah.