Xildhibaan Brandon Gill oo ah mudane ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee laga soo doorto Gobolka Texas ayaa wada qorshe uu ugu qaybinayo codsi uu taageerayaashiisa kaga codsanayo inay saxiixaan si ay u musaafuriyaan Ilhaan Cumar oo ah mudane ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga oo ay kuwada jiraan Congress-ka Mareykanka.
Gill ayaa hore ugu baaqday in Ilhaan Cumar la masaafuriyo, isagoo ku doodday inay daacad u tahay dadka aan sharciga lahayn ee Maraykanka ku sugan ee ka soo jeeda dalkeeda Soomaaliya marka loo eego Maraykanka.
Ilhaan Cumar ayaa qaadatay dhalashada Mareykanka sanadkii 2000 ka dib markii ay Soomaaliya uga carartay dagaalo sokeeye, Ilhaan waxa ay ku caan baxday inay si kulul u dhaleeceyso madaxweyne Donald Trump.
“Saaxiib, ma ahayn inaan marnaba u ogolaan Ilhaan Cumar inay dalkeena soo gasho,” Gill ayaa ku soo qoray barta uu kuleeyahay X “Runtii, Ameerika waxay ahaan lahayd meel aad uga wanaagsan haddii dib loogu celiyo Ilhaan Soomaaliya,”
Ugu dambeyn waxa uu ku eedeeyay in ay Ilhaan ay Daacad u tahay Soomaalida marka loo eego Mareykanka iyo xafiiska loo doortay