MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed iyo Xildhibaan C/raxmaan C/.shukuur Warsame ayaa maanta shir jaraa’id waxay ku qabteen magaalada Muqdisho xili ay hogaanka Dowlada Somalia eedeyn badan u jeediyeen.
Labada siyaasi waxay si aad uga hadleen doorashada soo socota sida ay noqon karto iyagoo mar kale ku celiyay inaysan suurtagal xiligaan ka noqon karin Somalia gaar ahaan koourta dalka in lagu qabto doorasho qof iyo cod ah sababo la xiriira marxalada dalku ku sugan yahay iyo waqtiga dowlada hada jirra ay heysato.
Xildhibaan Shariif ayaa carabka ku adkeeyay in hada sheekadu doorashaba ka soo gudubtay oo ay taagan tahay ma la heli doonaa Dowlad xilka lagala wareego marka waqtigeedu dhamaado.
“Sheekada hada doorasho mataagno ee waxay mareysaa meesha dolwad xilka lagala wareego maloogu tagaa” ayuu yiri Xildhibaan Sheekh Shariif.
xildhibaanka wuxuu carabka ku adkeeyay madaxda dalku dalka oo dhan ku hogaamin karaan dastuurka madaama uu yahay waxa dadka u dhexeeya oo aysan koox gaara lahaynm.
Mar uu ka hadlayay doorasho lagu murunsan yahay ayuu tilmaamay inay wax fiican tahay in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah balse wuxuu xusay in loo baahan yahay in la isla wada qaato Dowlada iyo maamulada dalka dhamaan.
“Arrimaha Doorashooyinka waa arrimo Qaran, qof iyo koox midna malaha waana innuu dadku heshiis ku yahay. Doorasho qof iyo cod ah waa wax wanaagsan laakin soo ma aha in la isweydiiyo, sidee lagu gaari karaa?”ayuu yiri Xil.Shariif Sheekh Axmed
Sidoo kale Madaxweynihii hore wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne xassa inuu ku tumanayo dastuurkii qaranku ku taagnaa oo uu meel iska dhigay islamarkaana uu jeebkeeda adeeganayo.
“dal waxa u dhexeeya waa dastuur waana heshiis qaran waa is aaminaad waa kalsooni, hadaad baabi’iso oo dastuurkii meesha ka saarto dowladnimada maxay ku taagnaaneysaa, ma waxay ku taag-naaneysaa hawo iyo rabitaan qof, kuma taagnaan karto”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed
“Dalkaan wuxuu soo maray waad ogtihiin marxalado kala duwan,haduu qofka dalka xukumaya uu awood milateri dalka ku maamulo waa wax la yaqaan,laakiin wax suurtagal ah ilama aha in madaxweyne xasan uu inta dastuurka iska laabo uu yiraa teyda maahee tu kale ma shaqeyneyso”ayuu mar kale yiri xildhibaan Shariif Sheekh Axmed