Wasiirkii hore ee Wasaarada Amniga Somalia Xildhibaan Maxamed Abukar Islow Ducale ayaa si aan looga baran markaan uga hadlay arimaha siyaasada iyo doorashooyinka danbe.

Xildhibaanka oo looga bartay inuu weeraro siyaasada Dowlada ayaa markaana weeraray siyaasada mucaaradka Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh kadib qoraal uu soo dhigay barihiisa bulshada.

Advertisement

hadaba halkaan ka akhriso qoraalka xildhibaanka oo sidiisa u qoran:-

Waxay ila tahay in ‘Doorashada QOF IYO COD’ aysan ahayn wax la isku khilaafo oo mucaarad iyo muxaafid loogu qeybsamo. Dhammaanteen waa inaan taageernaa oo dowladda ku garab istaagnaa sidii Dadku u dooran lahaayeen Madaxdooda.

-Ilama ahayn in iyadoo Sanad iyo Bar ka harsan tahay muddo xileedka Dowladda, ay xilligan soo bixi doonaan Siyaasiyiin iyo Musharixiin hore oo u dhaqmaya sida in la joogo 2026.

-Iima muuqato weli in Siyaasiga Soomaaliyeed uu ka koray fashilinta dowlad kasta oo aanu isaga ka mid ahayn.

– Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud waxaa looga fadhiya inuu dib u raadiyo Maamul Goboleedyada maqan, kana shaqeeyo Doorasho la isku raacsan yahay.
No photo description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here