HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Somaliland ayaa dib u helay xoriyadiisa kadib mudo bil ah oo uu xirnaa isla maamulka uu ka tirsan yahay.

Xildhibaanka ayaa saxaafada la hadlay si koobana uga hadlay xarigiisa isagoo ugu horeyn u mahadceliyay dhamaan taageerayaashiisa,ehelkiisa iyo dadka ka damqaday xarigiisa mudadii uu xabsiga  ku jirey.

Advertisement

“Waxaan xaqiijinayaa in aan xoriyaddaydii dib u helay, Waxaana u mahad celinayaa cid kasta oo ka damqatay muddadii 30-ka maalmood ahayd ee aan sharci darrada ugu xidhnaa xabsiga Mandheera.” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abiib sida uu baahiyay SAAB TV.

Sii deynta ildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf ayaa timid kadib kadib Amar ka soo baxay Maxkamadda sare ee Maamulka Somaliland.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 person and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here