Xildhibnaan C/raxmana C/shukuur C/shukuur Warsame ayaa ka hadlay baaqii xalay ka soo baxay Madaxweynaha Maamulka Puntland kaasoo ahaa inuu diyaar u yahay wada-hadal uu la galo Dowlada Faderaalka Soomaaliya oo khilaaf uu kala dhaxeeyo.

C/raxmaan C/shukur Warsame oo qoraal gaaban soo dhigay baraha bulshada ayaa Dowlada Soomaaliya u soo jeediyay inay ka faa’iideysato fursadaan islamarkaana ay la heshiiso Puntland.

Advertisement

Xildhibaanka ayaa qoraalkiisa ku xusay inaaney jirin maant wax ay Soomaaliya uga baahi badan tahay midnimo madaama Cadowga Itoobiya uu soo socdo boobka hantida Soomaaliya.

“fariinta Saciid Dani waa fursad ay tahay inay Dowladu ka faa’iideysato”ayuu yiri C/raxmaan C/shukuur.

Hadaba halkaan ka  akhriso qoraalka Xildhibaan C/raxman C/shukuur oo sidiisa u qoran:-

Farriinta Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu ku baaqay ee ah in maamulkiisu diyaar u yahay wadahadal, waa fursad ay tahay in madaxda dowladda federaalka ah ka faa’iidaystaan, sababtoo ah ma jirto xilli ay maanta Soomaaliya uga baahi badan tahay midnimo iyo wadajir dhexdeeda ah oo ay ku wajahdo damaca shisheeye iyo dagaalka argagaxisada.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here