HomeWarkiiXil. C/qaadir Cosoble oo si kulul uga hadlay kadib markii  lagu adkeeyay...

Xil. C/qaadir Cosoble oo si kulul uga hadlay kadib markii  lagu adkeeyay la kulanka Madaxweynaha.

Xildhibaan C/qadir Cosoble ayaa si kulul uga hadlay kadib markii  lagu adkeeyay la kulanka Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh.
Xildhibaanka ayaa isagoo careysan wuxuu warqad furan u soo qorey Madaxweynaha kadibna baraha bulshada ayuu soo geliyay.
Xildhibaanku wuxuu warqadiisa ku sheegay in labadii todobaad ee lasoo dhaafay uu dhowr jeer isku dayay inuu la xiriiro Madaxweynaha isagoo raadinayay ballan kulan rasmi ah balse ay suurtageli weysay.
mar uu ka hadlayay qaabka ay ugu adkaatay la kulanka Madaxweynaha ayuu tilmaamay inuu meel kasta u maray oo xitaa uu la xiriiiray dhallinyarada Madaxweynaha la shaqeysa, balse uusan helin wax jawaab ah.
Si kastaba Warqadiisa ayuu ku cadeeyay xildhibaanku inuu ku qasabanaaday inuu Puplic kula hadlo Madaxweynaha madaama uu awoodi waayay inuu si hoose ula hadlo.
“Maadaama aan si hoose kuugu soo gudbin kari waayey baaqeyga, waxaan ku qasbanaaday inaan si daahfuran ah kuugu soo gudbiyo. ” ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir
Xildhibaan C/qaadir wuxuu sheegay in isaga iyo madaxweynaha ay iskala tirsanaan jireen midowgii musharraxiinta xiligii farmaajo iyagoo isla mucaaradayay Dowladaasi.
 “Mudane Madaxweyne, sax ma aha in aad ku indho adeegto wixii adiga iyo anaga oo badan aan ka diidnay madaxweynihii hore, taasoo aan wada ognahay in ay noo horseedi karto burbur cusub iyo waddanka oo yeesha dhowr Madaxweyne.” ayuu mar kale ku yiri qoraalkiisa
Xildhibaan Cosoble ayaa soo jeediyay tallooyin badan oo uu ku doonayo in dalka looga badbaadiyo jahawareer siyaasadeed. Waxa uu ku booriyay Madaxweynaha inuu ka laabto uruurinta
Xildhibaan C/qaadir Cosoble wuxuu u soo jeediyay Madaxweyne Xassan inuu ka laabto awoodda ee halka gacan ku urursan.
Sidoo kale wuxuu usoo jeediyay Madaxweynaha inuu qabto shir loo dhan yahay kaasoo ay ka soo wada muuqdaan dhammaan saamileyda siyaasadda sida Maamulada Jubaland iyo Puntland.
Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in la xaqiijiyo doorashooyinka soo socda ay noqdaan kuwo hufan, lagu kalsoonaan karo,sidoo kale laga shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa dagaalka lagula jiro Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -