ABOOREEY (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Deegaanka Abooreey ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay halkaasi maanta ka jirto kadib markii saacado isku dhaw ay isu daba mareen deegaankaasi Ciidamada Alshabaab iyo kuwa Dowlada oo gara ka helaya macawisleyda.
Deegaankaan Abooreey oo hoos taga Degmada Buulaburde ayaa xalay saq dhexe waxaa ku soo guureyay oo qabsaday Alshabaab kadib markii ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanku ka baxeen balse saaka ayay ciidamada Dowladu dib uga saareen Alshabaab.
Kadib dib u qabasashada ciidamada Dowlada ee deegaanka Abooreey waxaa maanta ka taagan halkaasi xiisad dagaal madaama alshabaab-kii laga saaray ay isku urursanayaan meel aan sidaas uga fogeyn taasoo keentay in ciidamada deegaanka iyo kuwa Dowladu diyaar garow ku jiraan iyadoo laga yaabo in alshabaab weerar soo qaadi karaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM