DOOLOOW (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Dooloow ee Gobolka Geddo ayaa sheegaya inay sii kordheyso xiisad dagaal oo halkaasi ka taagan.

Xiisadaan dagaal ayaa u dhexeysa Ciidamada Dowlada Faderaaalka Somalia iyo kuwa Maamulka Jubaland,waxaana la soo sheegaya in labada dhinac dagaal isu diyaariyeen.

Advertisement

Dhawaan ayay ahayd markii Gudoomiyaha Dooloow ee Jubaland ay soo magacowday uu soo bandhigay ciidamo iyo gaadiid dagaal oo la rumeysan yahay inay Dowlada Itoobiya siisay.

Taliska NISA ee Dowlada Somalia qeybtooda Magaalada Dooloow ayaa iyagana soo bandhigay gaadiid dagaal iyo ciidamo badan, waxaana qarka loo saaran yahay in dagaal dhexmaro labada dhinac.

Saraakiil labada dhinac u kala hadashay ayaa  mid kastaa wuxuu sheegtay inuu isagu masuul ka yahay amniga Magaalada Doolow taasoo cabsi badan gelisay shacabka oo ka  baqanaya in lagu dul dagaalamo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here