No description available.

WAJEER (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Ismaamulka Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay halkaasi ay ka jirto xiisad ka dhalatay xildhibaan Golaha deegaankaasi ka tirsanaa oo meydkiisa laga helay god biyo ku jiraan oo gudaha Magaaladaasi ah.

Advertisement

Meydka ninkaasi ka tirsanaa Golaha deegaanka Wajeer ayaa la sheegay in si xun loo dilay kadib markii asbuucyo ka hor laga afduubtay Magaaalada caasimada u ah Kenya ee Nairobi.

Ciidamada Booliiska oo wata diyaarad nuuca qumaatiga u kaca ee Hayla-kobtarka ayaa ka qeyb-qaadatay sidii meydka looga soo saari lahaa biyaha dhexdooda iyo sidoo kale sidii lagu ogaan lahaa dadka ka danbeeya falkaasi naxdinta leh.

Xiisada ka jirta magaalada Wajeer aya timid kadib markii  ehelada masuulka la dilay ka caroodeen falkaasi iyagoona Dowlada ka dalbaday inay degdeg uga jawaabto oo soo qabataan gacan ku dhiiglayaash hadii kale ay iyagu talaabo qaadi doonaan sida uu noo sheegay shaqsi reer Wajeer ah.

Waxyaabaha Dowladu baareyso waxaa ka mid ah cid kasta oo ninkaasi la dilay ay isku dhacsanaayeen haday siyaasad ahaan lahayd  iyo  haday arimo bulsho tahayna si xaqiiqada looga daba tago.

Sidoo kale Booliiska ayaa baaraya meydka kaasoo talaabadii ugu horeysay lagu xaqiijiyay inuu yahah Xildhibaan Yuusuf Tolfow oo la weysnaa asbuucaan madaama jirkiisa si fool xun loo jar jaray sida warar aan ku helnay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.CO

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here