MADERA (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya xad beeneedka u dhexeeya Somalia iyo Kenya gaar ahaan Magaalooyinka Balad-xaawo iyo Mandera ayaa sheegaya in halkaasi uu ka taagan yahay xiisad u dhexeysa Dowladaha Kenya iyo Somalia.
Xiisadaan ayaa ka dhalatay kadib markii Dowlada Kenya ku eedeysay ciidamada sirdoonka Somalia ee NISA inay Mandera tageen kadibna weerareen booliis kenyaati ah, sidoo kalana ay weerarka ku dileen hal askari, mid kalana dhaawaceen islamarkaana laba qoreyna soo furteen.
Inkastoo Dowlada Somalia si rasmi ah uga hadlin sheegashada Dowlada Kenya hadana wararka ay faafinayaan kenya ayaa waxaa ku jira inay ku wargeliyeen maamulka Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Geddo kadibna Dowlada Somalia ay hal qorey oo faal ah dib ugu soo celiyeen balse uu wali ka maqan yahay qorey AK47 ah.
Sarkaal u hadlay Dowlada Kenya oo arintaan ka hadlay ayaa sheegay inay Dowlada Somalia uga fadhiyaan inay soo qabtaan ciidamada NISA ee dhibaatada gaarsiiyay cidankooda islamarkaana gacanta Kenya soo geliyaan.
Magaca askariga la dilay oo Booliis ah waxaa lagu sheegay Constable Dennis Omari halka kan dhaawaca ah isna magaciisa lagu sheegay Wright Mokua.
Sidoo kale labada qorey ee ciidamada Kenya laga soo qaatay ayaa sharaxaad dheeraad ah laga bixiyay iyadoo qoreyga askariga dhintay lagu sheegay nooca G3 lambarkiisuna yahay A00708) iyo rasaastiisa oo lagu sheegay 60 baalooto,sidoo kale qoreyga kale oo ahaa nuuca AK47 ayaa isna lagu sheegay lambarkiisa 5501352 ,waxaana lala qaatay rasaastiisa oo 30 baalooto ahayd waa sida ay warka u dhigeen Kenyaanka.
Taliyaha Baarista Dembiyada ee Magaalada Mandera sarkaalka lagu magacaabo Pius Gitari oo ah masuulka la hadlay saxaafada ayaa xusay in ciidamada Somalia ay rabeen inay Mandera ka soo afduubtaan ciidamada Boliiska qaarkood si ay ugu gorgortamaan laba Somali ah oo u xiran Booliiska Kenya kuwaasoo loo heysto isku day afduub shaqaale shiinees ah oo mashruuc dhisme ka waday Magaalada Mandera.
Taliyaha Baarista Dembiyada ee Mandera wuxuu intaasi ku daray in mid ka mida kuwa mandera hore loogu xiray walaalkiis uu hogaaminayay weerarkaani ciidamada Soomaalida ah ay soo qaadeen sida uu warka u dhigay.
Si kastaba taliska sirdoonka qaranka Somalia ee NISA wali war rasmi ah kama soo saarin eedeynta ka timid dhanka Dowlada Kenya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM