HomeCiyaarahaXiddig Kale Oo Ka Dhaawacmay Liverpool

Xiddig Kale Oo Ka Dhaawacmay Liverpool

Liverpool ayuu soo wajahay walaac dhaawac ka dib markii Ibrahima Konate uu jug ka soo gaaray waajibaadka xulka qaranka.

Liverpool ayay 17 xiddig oo kooxda 1-aad ah uga qayb galayaan waajibaadka xulalkooda kala duwan.

Xiddigaha Alisson iyo Ryan Gravenberch ayaa la xaqiijiyay in ay dhaawacyo uga bexeen waajibaadka xulalkooda.

Haatan waxa Soo baxaya in uu daafaca Ibrahima Konate Soo gaadhay dhaawac kulankii Croatia ee uu xulkiisa u ciyaaray.

Liverpool ayaa rajeyneysa in daafaca uusan soo gaarin dhaawac halis ah.

Reds ayaa horay ula dhibaatoonaysay dhaawacyo daafacyada ah iyada oo ay ka maqan yihiin xiddigo ay ka mid yihiin Trent Alexander Arnold, Conor Bradley iyo Joe Gomez.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments