Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir Horgeeyay eedeysane lagu magacaabo Mahad Axmed Cumar, kadib markii laga soo qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cadde, asagoo tahriibinaya laba qof oo kale oo magacyadooda lagu sheegay Caasho Axmed Cali iyo Ayaan Xasan Cali.

Dadkan oo adeegsanayay Baasaboor la xaday iyo mid been abuur ah ayaa la sheegay in hay’adda socdaalku ay xogtooda horay u samaysay, islamarkaana sidaas lagu soo qabtay.

Advertisement

Eedeysanaha ayaa hadda ku jira xabsi gaar ah oo uu ku sugaya caddaaladda , waxaana ku socda baaritaan sida lagu war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here