MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xeebta Liido ayaa maanta soo tuftay meydka wiil yar oo 7 jir ah kaasoo ay  shalay qaaday.xili uu ku dabaalanayay.

Allaha u naxariistee Wiilkaan yar oo magaciisa lagu sheegay Maajid Maxamed Cumar ayay badda Liido qaaday shalay galab waana la waayay shalay oo dhan inkastoo mar reerku moodeen inuu lumay balse markii danbe bada lagu sheegay.

Advertisement

Maanta ayay soo tuftay badda gaar ahaana Xeebta nawaaxiiga Isbitaalka Kaysaneey ee Magaalada Muqdisho oo la teedan Xeebta Liido.

Hooyo Yaasmiin Maxamed Iidow oo dhashay wiilka baddu dishay ayaa shalay baafisay wiilkeeda iyadoo u heysatay inuu ku dhex dhumay dadka badan ee isugu yimid xeebta Liido  inkastoo isla shalay ay heshay akhbaar ahayd inay baddu qaaday markaasoo baadi goobkii la bilaabay xalay laga hoyday,ugu dambeyna maanta ayay baddu soo tuftay meydka wiilka yar.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here