QAZA (DAYNIILE.COM)-Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Gaza ayaa sheegay in xasuuqa Israa’iil ee ka dhacay xerada qaxootiga ee Nuseirat ay ku dhinteen 210 falastiiniyiin ah ayna ku dhaawacmeen in ka badan 400.

Ciidamada Israel ayaa afar maxbuus ka soo badbaadiyay weerarkii ka dhacay xerada qaxootiga ee Nuseirat, iyadoo mid ka mid ah saraakiishooda uu ku dhintay howlgalka.

Advertisement

Qaramada Midoobay ayaa ku dartay ciidamada Israa’iil liiska madow ee waxyeelada u geysta carruurta iskahorimaadyada, tallaabadaas oo hoggaamiyeyaasha xuquuqul insaanka ay si buuxda U caddeeyeen.

Dhexdhexaadiyayaasha Masar iyo Qatar ayaa lagu soo waramayaa in ay filayaan in Xamaas ay soo gudbiso jawaabteeda hindisihii ugu dambeeyay ee xabad joojinta.

Ugu yaraan 36,801 qof ayaa lagu dilay 83,680 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

The bodies of Palestinians killed in the Israeli attack are brought to the morgue of Al-Aqsa Martyrs Hospital in Deir al-Balah, Gaza on June 8

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here