HomeWarkiiXassan Sheekh oo Muqdisho ku casuumay Yoweri Museveni

Xassan Sheekh oo Muqdisho ku casuumay Yoweri Museveni

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqasho hal maalin ah ku tagay dalka Uganda kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, ayaa wada-hadallo miro-dhal ah la yeeshay Madaxwaynaha martida loo yahay Mudane Yoweri Museveni.
Kulanka labada Madaxwayne ayaa waxaa ka soo baxay qodobbo ay ka mid yihiin:
1. Labada Madaxwayne ayaa bogaadiyay xiriirka qotoda dheer ee laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhaw ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda.
2. Labada Madaxwayne ayaa ka wada-hadlay xaaladda amniga ee gobolka iyaga oo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo ilaalinta xasilloonida iyo amniga gobolka geeska Afrika.
3. Labada Madaxwayne ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay billaabashada hawlgalka cusub ee AUSSOM.
4. Labada Madaxwayne ayaa adkeeyay dardargalinta taageerada caalamiga ee ku aaddan dhaqangalinta Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo kobcinta awoodda Ciidamada Xoogga Dalka.
5. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale is-dultaagay is-afgaradkii iskaashiga difaaca ee ay labada dal kala saxiixdeen, iyaga oo faray hay’adaha ku shaqada leh in ay dardargaliyaan dhaqangalintiisa.
6. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dhiggiisa Uganda soo dhawaynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, isaga oo casuumaad rasmi ah oo uu ku imaanayo magaalada Muqdishu u fidiyay Madaxwayne Museveni.
7. Dhankiisa, Madaxwane Yoweri Museveni ayaa Madaxwayne Xasan Sheekh uga mahad celiyay booqashadiisa, isaga oo dhanka kale aqbalay casuumaadda rasmiga ah ee uu ku imaanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu muddada soo aaddan.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 1 personMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 people and suitMay be an image of 7 people, suit and weddingMay be an image of 2 people, suit, wedding and grass
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -