War qoraaka qoraala oo ay wada jir u soo saareen siyaasiyiinta Mucaaradka ee kala ah Madaxweynihii hore ee Somalia Sharii Sheekh Axmed,Ra’iisulwasaarihiihore ee Somalia Xassan Cali Kheyre iyo Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame oo ah wasiir hore ayaa dhamaantood waxay kaga hadleen colaada,dagaalka ama khilaaka kala dhexeeya Dowlada Somalia.
Qoraalka Siyaasyiintaasi isla soo sareen ayaa sidan u qornaa:
Ciidanka dowladda federaalka ah ee la geeyey Raaskanbooni iyo kuwa daraawiishta Jubaland ee ay la dirirayaan waa wiilal Soomaaliyeed oo walaalo ah, kuwas oo ay ahayd in awooddooda ku wajahaan argagexisada iyo cadawga kale ee qaranka Soomaaliyeed. Waxaan ku baaqaynaa in degdeg loo joojiyo dagaalka, khilaafkana miiska wada hadalka lagu xalliyo, lagana heshiiyo doorasho aan shaatigeeda cid gaar ah u tolnayn.