HomeWarkiiXassan Cali Kheyre oo Soomaalida ugu Hambalyeeyay Ciidul Fidriga

Xassan Cali Kheyre oo Soomaalida ugu Hambalyeeyay Ciidul Fidriga

Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa Umada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada Ciidul-Fidriga oo saaka ku beegan.

Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu u qornaa sidan:-

Waxaan guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda weyn ee ciidul-Fidriga, waxaanna Allah ka baryayaa inuu naga wada aqbalo camalkii samaa iyo cibaadadii aan soo gudanay bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Waxaan bulsho weynta Soomaaliyeed ka codsanayaa in munaasabadda Ciidda awgeed ay ka qeyb qaataan farxad-gelinta iyo kaalmeynta danyarta Soomaaliyeed ee duruufaha nolosha ay ku heystaan daafaha dalka, ayna fuliyaan dardaarankii Nabiga NNKH.
Ciid Mubaarak, kullu Caam Wa Antum Bilkheyr. Waxaanna Eebbe ka baryayaa in dhammaanteen uu ciiddan ciiddeeda nagu gaarsiiyo horumar iyo barwaaaqo.May be an image of 1 person and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -