Siyaasiga Xasasn Cali Kheyre oo ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmahaan danbe hwolo shaqo wuxuu u joogaa Dalka Mareykanka isagoona halkaasi kulamo kala duwan kula yeeshay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkasi Mareykanka.

Xasan Cali Kheyre oo saacadihii ugu danbeeyay la hadlaayay boqolaal Soomaali ah ayaa ku booriyay Soomaalida in hab dhaqanka qabyaalada lagu badalalo mid Somalinimo.

Advertisement

Waa in aan beddelnaa hab-dhaqankeenna siyaasadeed iyo hab-fikirkeenna bulsho, Waa in aan qabyaaladda ku beddelnaa Soomaalinnimo”ayuu yiri Siyaasi Xasan Cali Kheyre

Sidoo kale masuulkaan wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in iyana musuqmaasuqa lagu badalaa ammaano.

“waa inaan musuqmaasuqa ku beddelnaa ammaano, tafaraaruqa ku beddelnaa midnimo, kalitalisnimada ku beddelnaa wadatashi, xifaaltanka ku beddelnaa iskaashi, fadhi-ku-dirirka ku beddelnaa hawl iyo waxqabad, halbeegga hadalkana ku beddelnaa i tus oo i taabsii, yaad tahayna ku beddelnaa maxaad taqaan”ayuu yiri Xasan Cali Kheyre

Dhanka kale wuxuu ku amaanay Soomaalida Mareykanka inay yihiin dad ka muuqda bulshada kale ee ka midka ah waliba iyagoo soo galooti ah,hadana horumaro badan sameeyeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here