Ra’iiasulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Cantar Jeenyo.

Qoraalka Xasan Cali Kheyre ayaa sidan u qornaa:-
Waxaan qoyskiisa, qaraabadiisa, bahda ciyaaraha, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee haleeshay Xidiggii Xulka Kubada Cagta Soomaaliyeed Axmed Cabdikariin Walaayo (Cantar Jeenyo) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Halyeey Cantar Jeenyo oo xirfaddiisa ugu soo adeegay xulka Qaranka Soomaaliyeed waxa uu muddo nus qarni ka badan ku hawllanaa horumarinta kubadda cagta Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kalena u soo ciyaaray kooxihii Bangiyada, Wagad, iyo Jeenyo oo loogu magacdaray. Burburkii ka dibna waxa uu ahaa Guddoomiyihii Xiriirka Kubadda Cagta ee Waqooyiga Ameerika.

Waxaan Alle ka baryayaa in uu marxuumka ugu deeqo naxariistiisa janno, qarbrigana u waasiciyo, samir iyo iimaanna naga wada siiyo. Waxaana Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliyeed iyo Madaxda Qaranka ugu baaqayaa in la maamuuso aaska halyeey Axmed Cabdikariin Walaayo.May be a black-and-white image of 1 person
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here