MOMBASA (DAYNIILE.COM)- Wararka laga helaayo Magaala Xebeedka Mombasa ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamada Booliisku soo qabteen Daroogada Xashiishka loo yaqaan iyo dadkii watay.

Waaxda dambi baarista Kenya ee DCI-da ayaa baaritaan ku bilowday dadkaani xashiishka lagu qabtay oo tiradooda lagu sheegay afar ruux oo rag iyo dumar isugu jira,

Advertisement

Xashiishkaan wuxuu qiima ahaan ku fadhiyaa 16.6 Milyan oo lacagta Kenya ah taasoo doolar ahaan u dhiganta ilaa 13 kun Doolar,waxaana la qabtay markii shacabku xogta kooxdaasi usoo gudbiyeen hay’adaha amaanka.

Xashiishkaan oo lagu sheegay 554.05 kiilogaraam ayaa laga soo helay guri ay ku dhuumanayeen kooxda xashiiska wadatay sidoo kale waxay ciidamadu la wareegeen gaari hor yaalay gudiga danbiilayaasha laga soo qabtay.

dhanka kale Booliiska waxay saxaafada usoo bandhigeen magacyada danbiilayaasha la soo qabtay kuwaasoo kala ah  Doris Achieng( 46 sano jir ah), Brenda Achieng, (20), Rhoda Vonza, (47) iyo David Omondi, (26 sano jir ah).

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here