Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ku amray in si degdeg ah looga jawaabo dhaqdhaqaaqyada ay kooxda Al-Shabaab ka wado qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha ayaa 72 saac u qabtay militeriga Soomaaliya inay uga hortagaan cabsi-gelinta Khawaarijta ee ka socota Shabeellaha Dhexe, isagoo hoggaamiyaasha beelaha gaar gaar ula kulmay.
Xasan Sheekh ayaa beelaha ka dalbaday inay abaabulaan ciidamada deegaanka oo dhulkooda ka difaacaan Khawaarijta, garabna u noqdaan ciidanka xoogga dalka, oo amar lagu siiyey inay soo afjaraan Al-Shabaab-ka soo galay Shabeellaha Dhexe.
Taliyaha Xoogga, oo ku sugan Shabeellaha Dhexe, iyo Madaxweynaha JFS, oo ku sugan Muqdisho, ayaa saacadihii lasoo dhaafay shirar gaar ah la yeeshay saraakiisha ciidamada, siyaasiyiinta, hoggaamiyaasha ciidamada deegaanka iyo odayaasha dhaqanka ee beelaha dega HirShabeelle. Qaarkood shirarkaas waxaa lagu qabtay qadka taleefanka.
Waxaa la isla qaatay go’aan dib loogu abaabulayo dagaalka, ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaana qaadaya duullaan culus oo cagta lagu marinayo Al-Shabaab, kuwaas oo saacadihii iyo maalmihii lasoo dhaafay fowdo aan horay loo arag ka bilaabay gobolka Shabeellaha Dhexe.
Hoggaamiyaha Khawaarijta Al-Shabaab, Abuu Cubeyda, oo maalmo ka hor hadlay, ayaa khudbad uu jeediyey ku caddeeyey in dagaalka ay ku jabeen oo burbur ay qarka u saaran yihiin, isagoo dhibaatada heysata u sababeeyey duullaanka dhinac kasta leh ee dowladda Soomaaliya ay ku qaaday.
Tan iyo maalintii uu hadalkaas jeediyey hoggaamiyaha Khawaarijta, waxaa Shabeellaha Dhexe ka bilowday weerarro fowdo ah oo lagu macneeyey kuwo naf-la-caari ah, looguna talogalay in lagu niyad-dhisiyo maleeshiyaadka sii burburaya ee kooxda, laguna cabsi-geliyo dadka shacabka ah ee deegaannadaas ku nool.
Dadku waxay ku jiraan xilli jiilaal ah oo aad u kulul, roob ma helin muddo dheer, waxaana curatay bisha barakeysan ee Ramadaan. Duruufahaas oo is biirsaday iyo ciidanka xoogga oo dhowr furin ka dagaalamaya ayaa kooxda u suurtageliyey inay arbushaad ka geystaan qeybo ka tirsan Shabeellaha Dhexe.
Ciidanka qaranka, oo Jowhar ilaa Balcad dhanka galbeed uga gudbay Wabiga, ayaa ku guuleystay in deegaano muhiim ah ay ka saaraan kooxda, iyagoo jaray marinkii ay Khawaarijta uga gudbi jireen gobollada dhexe, taasoo cadaadis weyn ku abuurtay kooxda.
Qorshaha dowladda ayaa la aaminsan yahay inuu cadaadis hor leh ku kordhiyey kooxda, taasoo keentay in ay ka cararaan ciidamadii weerarka ku qaaday iyo deegaanadii ay horey u joogeen. Waxaana kooxdu, oo ka quusatay inay dib u laabtaan, usoo direen dagaalyahanno weerarro ka fuliya deegaano yar yar oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, si ay duullaanka ciidanka xoogga u dhabar-jabiyaan.
Duqeymo culus ayaa maanta ka dhacay Biyacadde iyo Ceelbaraf, waxaana laga gubay gaadiid ay wateen, iyadoo laga laayey maleeshiyaad badan. Saacadaha iyo maalmaha soo socda waxaa la qorsheeyey in la qaado weerarro lagu soo afjarayo Al-Shabaab-ka ku sugan HirShabeelle.