Ra’iisulwasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa si kulul uga hadlay hadalkii shalay Madaxweyne Xasan kaga jawaabay hadal heyntii baraha bulshada ee ahayd dhalinyaada ka cabaneysay shiidka isagoona  ku tilmaamay inay alshabaab la shaqeeyaan.
Xasan Cali Kheyre ayaa difaacay dhalinyarada isagoona xusay inaysan marti ka ahayn dalka ee ay yihiin milkiilayaasha iyo madaxda Dalka ee mustaqbalka dhaw.
Ra’iisulwasaaraha ayaa qoraal uu arintaan ku sharaxay soo dhigay bartiisa Facebook waxayna u qorneyd sidan:-
Dhallinyaradu waa kuwii shacabka Soomaaliyeed ka korqaaday heeryadii gumeysiga ee dalka u horseeday xurriyadda iyo midnimada, lafdhabarna u ahaa hayaanka dowladnimada, waligoodna u taagnaa dhismaha iyo horumarka dalka, maantana ku sugan furimaha dagaalka si ay u ciribtiraan khawaarijta.

Dhallinyaradu marti kama aha Soomaaliya ee waa milkiilayaasha dalka iyo madaxda mustaqbalka dhow.
Halkii ay dowladdu rajo iyo shaqo-abuur u sameyn laheyd markii ay cabireen duruuftooda iyo shaqo la’aanta haysa, waxaa nasiibdarro ah in Madaxweynaha Dalku ku tilmaamay in ay yihiin dad baadda u aruuriya argagaxisada, shaxaad iyo borobogaandana lacago ku heli jiray.

Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu dhallinyarada ka raalligeliyo gefka iyo ijaafada uu kula kacay, si masuuliyad iyo xilkasnimo lehna u dhegeysto codka dhallinyarada, kana jawaabo dayaca iyo duruufaha xanuunka badan ee ay ka cabanayaan.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here