Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa war qoraala uu soo saaray wuxuu kaga hadlay wada-hadalada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu la galay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Ra’iisulwasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo aad ugu dhaliilay Madaxweyne Xasan go’aankiisa uu ku hor ariistay Abiy Axmed ayaa sidan u qornaa:-
1dii Jannaayo 2024, Itoobiya waxa ay duullaan qaawan ku soo qaadday dalkeenna, ka dib markii ay heshiis is afgarad ah oo sharcidarro ah la saxiixatay Madaxweynihii hore ee Somaliland.
Umadda Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba waxa ay ka gilgisheen duullaankaas, waxa ayna madaxda Dowladda Federaalku ballanqaadeen in aaney wadahadal la geli doonin Itoobiya iyadoo aan si rasmi ah uga laaban heshiiskaas xadgudubka ku ah qarannimada Soomaaliyeed.
Waxaa ayaandarro ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu gorgortan la galo Itoobiya oo weli ku adkeysanaysa is afgaradkii halista ku ahaa midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
In Madaxweyne Xasan Sheekh uu wadahadal la galo Itoobiya iyadoo aan la laalin is afgaradkii sharcidarrada ahaa, Itoobiyana u ogolaado baddeenna, waa xadgudub hor leh oo lagula kacay qarannimada Soomaaliya oo Madaxweynaha dalku garwadeen ka yahay.

Heshiiskii is afgaradka ahaa ee 1dii Jannaayo 2024 waa folkaano u aasan dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo qarxi karta xilli waliba. Si khatartaas looga gaashaanto waa in wadahadal kasta oo Itoobiya lala gelayo ay shardi u ahaataa in ay heshiiskaas si rasmi uga laabato.
Waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in aanu halistaas u hoosaasin dadka iyo dalka, gorgortan siyaasadeedna ku gelin qarannimada Soomaaliyeed, mudnaanta koowaadna siiyo daminta colaadaha iyo xiisadda siyaasadeed ee ka aloolsan gudaha dalka iyo adkeynta midnimada iyo wadajirka umadda oo maanta kala dhantaalan.

Waxaan ummadda Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba, ku boorrinayaa in ay ka feejignaadaan halista ku geedaamaan heshiiskaas sharcidarrada ah iyo tallaabooyinka aan laga baaraandegin ee ay qaadeyso dowladda Federaalka oo dhaawac ku noqon doonta madaxbannaanida, midnimada, iyo mustaqbalka Soomaaliya.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here