Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka xumaaday xariga shalay Ciidamada Booliisku u geysteen Wariye Cali Nuru Salaad isagoona ku tilmaamay mid sharci daro ah.

Siyaasigaan ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo talaabada Dowladu qaaday kuna xirtay wariyahaasi wuxuuna u qornaa sidan:-

Advertisement
Waxaan cod dheer ku cambaareynayaa xarigga sharcidarrada ah ee lagula kacay wariye Cali-Nuur Salaad Xasan.
Xarigga Cali-Nuur waa isku-day lagu caburinayo saxaafadda madaxabannaan, laguna aamusinayo runta, xaqiiqada, iyo dareenka muwaadinka xorta ah.

Xurriyadda hadalku waa xaq dastuuri ah, saxaafadduna waxa ay kaalin toosin ah ka qaadataa hayaanka dowlad-dhiska iyo dhaqangelinta dimuqraadiyadda. Xarigga wariyayaashuna waxa uu dhaawac ku yahay dowladnimada, waana dariiq khaldan oo loo leexiyay dowladnimada Dalka.

Cali-Nuur Salaad oo soo noqday Madaxa Warbaahinta ee Xafiiskeyga xilligii aan ahaa Ra’iisul Wasaaraha Dalka, waxaan ku aqaannaa in uu yahay wariye xirfad sare leh, akhlaaq badan, aqoon iyo faham durugsan u leh warbaahinta, lexjeclo badanna ay ka hayso dalka iyo dowladnimada. Waxaana ka xumahay in uu caawa dalkiisa hooyo maxbuus ugu yahay dowlad Soomaaliyeed.

Waxaan madaxda qaranka ugu baaqayaa in si degdeg ah xurriyaddiisa loogu celiyo Wariye Cali-Nuur Salaad, lagana waantoobo in uu soo laabto falkan gurracan ee lagu caburinayo saxaafadda madaxabannaan.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here