Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay ciidamo Dowlada Somalia ka tirsan oo saacadihii ugu dambeeyay ka degay garoon diyaaradeedka deegaanka raas-kanbooni oo hoos taga Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada hoose.
Xasan Cali Kheyre wuxuu ku sifeeyay ciidamada Dowlada ee Jubaland gaaraya kuwo colaad lagu hurinayo.
“Waxaa nasiibdarro ah in Madaxda Dowladda Federaalku oo uu riixayo damac gurracan ay ciidankii qaranka ku sii daadgureynayaan Jubbaland, si ay colaad uga huriyaan deegaanka” ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre
Sidoo kale Siyaasi Xasan Cali Kheyre wuxuu ugu baaqay Dowlada Somalia inay degdeg u joojiyaan hurinta colaaddan oo fursad siinaysa sida uu sheegay Alshabaab.
“Talaabadaani waxay halis gelinaysa xasilloonida dalka iyo guud ahaan gobolka, sidoo kalena waxay wiiqaysa midnimada dalka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM