Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay kana tacsiyeeyay geerida ku timid Ugaaska Beesha uu ka soo jeedo ee Mursade Ugaas C/laahi UIgaas Faracadde wuxuuna u qornaa qoraakiisu sidan:-

Waxaan nafteyda, qoyskiisa, qaraabadiisa, beesha Murusade, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee haleeshay ugaaskii beesha Murusade, Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo maanta ku geeriyooday magaalada Maka ee dalka Sacuudiga.

Advertisement

Ugaas Cabdullaahi oo ku suntanaa garasho, hufnaan, iyo daljaceyl waxa uu ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed, waxa uuna kaalin ka soo qaatay midnimada, nabadeynta, horumarinta dhaqanka beesha iyo guud ahaan beelaha Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kalena kaalin mug leh ka soo qaatay dib-u-dhiska dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Waxaan Alle ka baryayaa in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde, qabrigana u waasiciyo, su’aashana u fududeeyo, samir iyo iimaanna naga wada siiyo.
May be an image of 1 person and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here