Ra’iisulwasaarihii hore ee Somlia Xasan Cali Kheyre ayaa war qoraala uu soo saaray wuxuu kaga hadlay dagaalada Ciidamada Maamulka Puntland ay kula jiraan dagaalamayaasha Daacish ee ku sugan buuraha Gobolka Bari.
‘
Qoraalka Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa sidan u qornaa:-
Waxaan shacabka, ciidamada, iyo dowladda Puntland ugu hambalyeynayaa guulaha ay ka soo hooyeen hawlgalka lagu ciribtirayo argagaxisada ee ka socda buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Argagaxisadu waa caqabadda iyo cadawga ugu weyn ee maanta hortaagan nabadda, horumarka, iyo dowladnimada Soomaaliyeed. Waxaan hoggaanka dowladda iyo ciidamada Puntland ku bogaadinayaa go’aankan masiiriga ah ee ay ku soo afjarayaan khawaarijta naf-la-caaarriga ah iyo argagaxisada shisheeyaha ah ee ku dhuumaaleysanaysa buuralayda Gobolka Bari.
Waxaan shacabka Puntland ku boorrinayaa in ay hiil iyo hoo la garab istaagaan halyeeyada naftooda u huraya difaaca sharafta, dadnimada, iyo deegaannada Puntland. Waxaana dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba, ugu baaqayaa in loo midoobo ciribtirka khawaarijta arxanka daran ee khatarta ku ah horumarka dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliyeed.
Advertisement