Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay dabkii xalay ka kacay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho kaasoo sababay khasaare hantiyeed oo balaaran.

Siyaasiga Xasan Cali Kheyre ayaa muujiyay sida uu shacabka Soomaaliyeed ula qeybsanayo  xanuunka gaar ahaan kuwa ku hanti beelay dabkii xalay.

Qoraalka Ra’iisulwasaarihii hore wuxuu u qornaa sidan:- 
Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidooda ku waysay dabkii ka kacay qaraxyadii ay xalay argagaxisadu la beegsadeen suuqa Marwa ee deegaanka Ceelasha Biyaha.
Waxaana Alle u waydiinayaa in uu ka samarsiiyo, uguna beddelo hanti ka kheyr badan.

Waxaan dowladda ugu baaqayaa in ay xil iyo masuuliyad gaar ah iska saarto ilaalinta nafta iyo hantida ganacsatada loo dhibaateynayo fulinta amarkii ay dowladdu ku siisay in ay kaamiro ku xiraan ganacsiyadooda, si ay uga qeybqaataan sugidda amniga dalka.

Waxaan bulshada Soomaaliyeed ku boorrinayaa in xilligan adag la garab istaago ganacsatadii ay argagaxisadu burburisay hantidooda, Waxaana ganacsatada kale ee dalka si gaar ah ugu baaqayaa in ay u garmadaan boqolaalka ganacsatada ah ee xalay dabkan ku xoolo beeshay.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here