Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay munaasabada 1-da Luulyo oo ah markii Koonfurta Soomaaliya ay xornimada ka qaadatay Talyaaniga iyo waliba midowgii Waqooyiga iyo Koonfurta.

Qoraal uu Xasan Cali Kheyre soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sidan u qorneyd:-

Advertisement

Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa sannad-guurada 64-aad ee kasoo wareegtay maalintii goballada Koonfureed ee dalka ay gumeysigii ka xoroobeen, ayna midoobeen labadii gobol ee Soomaaliyeed, oo ay curatay Jumhuuriyadda xorta ah ee Soomaaliya.

Caawa waa habeen macno weyn ugu fadhiya qof walba oo Soomaali ah, waana ku faraxsanahay in aan dhammaantiin idinla wadaago hambalyada ku aaddan 1da Luuliyo.

Hambalyo ummadda Soomaaliyeed dhammaantood meel walba oo aad ku sugan tihiin dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

#HiigsiIyoHorumar

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here