Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay geerida ku timid Allaha u naxariistee Senetar Maxamed Cali Yuusu (Gaa-gaab).
Qoraal uu siyaasigaan Soomaaliyeed soo dhigay baraha bulshada uuna ugu tacsiyeynayo ehelada senetarka ayaa sidan u qornaa:-
Advertisement
Waxaan qoyskiisa, qaraabadiisa, iyo qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee haleeshay Senator Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab) oo ku geeriyooday dalka Turkiya.
Senator Gaagaab oo ka mid ahaa haldoorka Aqalka Sare waxa uu muddo nus qarni ku dhow ka shaqeynayay dowladnimada iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.
Waxa uu kaalin mug leh ka soo qaatay shirarkii dib-u-heshiisiinta bulshada, diyaarintii Axdi-Qarameedkii dalka, iyo dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya.
Waxa uuna kaalin ka qaatay aasaaskii Puntland, oo uu ka soo noqday Madaxweyne-ku-xigeen, Wasiirka Maaliyadda iyo xubin ka tirsan Baarlamaanka Puntland.
Waxaan Alle ka baryayaa in uu marxuumka ugu deeqo naxariistiisa janno, qarbrigana u waasiciyo, samir iyo iimaanna naga wada siiyo.
Advertisement