Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegtay guusha in Somalia xubin ka noqoto Golaha Amaanka  QM kadib markii maanta lagu dhawaaqay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sidaan u qornaa:-

Advertisement

Waxaan ummadda Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba, ugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee maanta Soomaaliya uga soo hoyatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo uu dalkeennu xubin aan joogto ahayn ka noqonayo labada sano ee soo socota.
Waxaan ku faraxsanahay in uu guuleystay hayaankii iyo himilladii aan soo billownay markii Oktoobar 2018kii ay codsiga xubinnimadan gudbisay xukuumaddii aan Raysulwasaaraha ka ahaa, oo baadigoobka kursigan gelisay dadaallo diblumaasiyadeed, si ay 52 sano ka dib Soomaaliya xubin uga noqoto golaha Ammaanka.
Waxaan Madaxda Qaranka ugu baaqayaa in aragti cad laga yeesho sidii looga miradhalin lahaa fursaddan taariikhiga ah, lana xoojiyo xafiiskeenna Qaramada Midoobay ee New York, si uu dalkeennu kaalin firfircoon uga qaato Golaha Ammaanka, milgo iyo kartina ugu matalo Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika.

No photo description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here