No description available.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho laga furey markii ugu horeysay tan iyo burbur-kii dalka Xarun loogu magac daray hal-abuuka xirfadlayaasha beeraleyda Soomaaliyeed.

Advertisement

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xarigga ka jaray xaruntaasi oo loogu talo galay inay ka faa’iideystaan ardeyda barata cilmiga beeraha.

“Waxaan furnay xarunta horumarinta hal abuurka iyo fikradaha casriga ah ee beeraha”ayuu yiri wasiir Maareeye.

mar uu ka hadlayay xarunta iyo waxa ay qabaneyso ayuu Wasiirku sheegay inay ugu talo galeen inay ku taageeraan dhalinyarada Soomaaliyeed ee Jaamacadaha ka soo baxaya kuwaasoo doonaya inay maskaxdooda ka shaqeysiiyaan oo sameeyaan fikir cusub.

Wasiirka wuxuu intaasi ku daray inay soo dhaweynayaan Ardeyda  diyaarka la ah hal abuur cusub oo dhanka beeraha .

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

No description available.

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here