Dowlada Ruushka ayaa weerartay oo gantaalo la dhacday xarumihii korontada ee dalka Ukraine xili awal dagaalo ba’ani u dhexeeyeen labada dhinac kaasoo galaaftay nolosha shacab iyo ciidamo intaba.

Weerarkaani oo Ruushku u adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayuu la eegtay sabtidii xarumaha tamarta iyo kaabayaasha muhiimka ah ee guud ahaan dalka Ukraine.

Advertisement

Masuul u hadlay Gobolka ayaa saxaafada u sheegay in sedex xarumood oo la duqeeyay ay dhibaatooyin soo gaareen ,sidoo kale wuxuu sheegay in duqeymaha ay ku dhaawacmeen afar ruux.

Masuulkaan oo ah Barasaabka gobolka Lviv Maksym Kozytskyi ayaa intaasi ku daray xarumaha la duqeeyay ay ahaayeen kaabayaasha dhaqaalaha ee gobollo ku yaal xadka Ukraine ay la wadaagto Poland.

Talaabada xarumahaani lagu duqeeyay sabtidii shalay waxay soo dedejisay in Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy uu reer galbeedka durba ka dalbado hubka difaaca weerarada dhanka cirka kaga imaanaya ruushka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here