Muqdisho, 01 Juun 2024: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray barnaamijka “Hooyo u Hiilli Qarankaaga,” kaas oo lagu muujinayo kaalinta muhiimka ah ee hooyooyinka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin amniga iyo xasillinta dalka.

Mudane Xamsa, ayaa si qoto dheer uga hadlay sida ay haweenku u yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dhisidda nabadda iyo amniga, waxuuna tilmaamay in Hooyooyinku ay leeyihiin awood gaar ah oo ay ku baraarujiyaan bulshooyinka, una horseedaan xasillooni iyo is-aaminaad.

Waxa uu sheegay in kooxaha Khawaarijta ah iyo qabylaaddu ay yihiin hooyada danbiyada iyo xumaanta, loona baahan yahay in wadajir loogu istaago ciribtirkooda, isaga oo ku adkeeyey hooyooyinka Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan sidii guryaha looga soo saari lahaa kuwa danbiyada geysanaya ee ku dhex dhuumanaya shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay haweenka Soomaaliyeed in ay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan dagaalka Khawaarijta, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay diyaar u tahay in ay taageerto haweenka, si ay u gaaraan himilooyinkooda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in hooyooyinku ay yihiin furaha horumarinta iyo badbaadada Qarankeenna. Wuxuuna ugu baaqay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada in ay garab istaagaan hooyooyinka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah oo horumarsan.
May be an image of ‎1 person, newsroom, dais and ‎text that says "‎YAFI MIAZEERA ZEER A ها AZEERA PALACEHOTEL PALACE HOTEL‎"‎‎May be an image of 4 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 3 people, headscarf and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 9 peopleMay be an image of 2 people and headscarfMay be an image of 9 people and text that says "colDa HIILI SARAN L SAN SUPPORT FOR XAFLADA DAAHFURKA HOOY U HIILI QARANKA Haweenka iyo Doorka Amr iyo Xasilinta Dalka JAZEERA FALACENOTEL HOTEL JAZEERA 里 1-JUNE-2024"May be an image of 3 people and daisMay be an image of studying, dais and crowdMay be an image of 9 people, dais and text that says "DA UH. enka iyox CTE."May be an image of 2 peopleMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here