Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur-Galbeed iyo xarunta Gobolka Bay.
Warar ku dhaw dhaw madaxtooyada ayaa sheegaya in Xamze Cabdi Barre u tagayo Baydhabo  si looga wada hadlo khilaafka soo kala dhex galay Dowlada iyo Maamulka Koonfur-Galbeed.
Khilaafkaan ayaa ah mid siyaasadeed lamana oga sida ugu sahlan ee uu Ra’iisulwasaaruhu u xalin karo khilaafkaan.

Wararku waxay intaasi ku darayaan inuu jiri doono kulan kan Baydhaba xiga inuu sidoo kale ka dhici doono Magaalada Muqdisho si labadaasi kulan loogu dhameeyo mad-madowga soo kala dhex galay Dowlada Somalia iyo Maamulka Koonfure Galbeed gaar ahaan Madaxweynahooda C/casiis Lafta Gareen.
Khilaafkaan ayaa asal ahaan ka soo bilowday markii Dowladu dib u dhigtay qorshe reer Koonfur-Galbeed ku doonayaan in siyaasiga Saalim Caliyow Ibrow loo magacaabo Ra’iisulwasaare ku xigeenka labad ee Xukuumada Soomaaliya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here