May be an image of 4 people and suit

Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex dhallinyaro ah oo naftooda u huray badbaadinta dadkii ku dhaawacmay qaraxii  xeebta Liido.

Advertisement

Ra’iisulwasaaraha ayaa si cajiib ah oo aan hore loo arag u abaal mariyay dhalinyaradaasi taasoo dhiiri gelin weyn noqon doonta mustaqbalka.

Xamze Cabdi Barre wuxuu dhalinyarada abaal marin uga dhigay inuu shaqo siiyo iyo bilad geesinimo.

“Xukuumadda Dan-qaran waxa ay idinku abaalmarinaysaa geesinimdiina oo aad ku muteyseen bilad iyo shaqaalaysiin.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlaayay kulanka dhiiri gelinta ah uu u sameeyay dhalinradaasi
Wiilshaan ayaa baraha bulshada lagu faafiyay iyagoo bad-baadinaya shacabkii dhaawacyadu soo gaareen oo markaas  u baahnaa gurmad deg deg ah xili xaalkuna uu ahaa nin walbow naftaa.

Sedexdaan dhalinyaro runtii waxay muujiyeen geesinimo xad-dhaaf ah iyo gurmad walaalnimo waqti ay adkeyd in qof walba ku dhiiran karto talaabo nuucaasi ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 personMay be an image of 1 person and smilingMay be an image of 3 people and suitMay be an image of 5 people, suit and daisNo description available.No description available.
May be an image of 2 people and text
May be an image of 2 people, dais and text
May be an image of 2 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here