
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo howlaha mudnaanta u leh dowladda, isla markaana Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka cusub looga baahan yahay in uu xoogga saaro qorsheyaasha Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan hirgelinta Siyaasadda Jaangoynta Mushaaraadka Shaqaalaha dowladda, dib-u xoreynta goobahay ay argagixisadu ku harsan yihiin iyo garab istaagga ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira Khawaarijta.
Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenkii labaad ee hore, shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu qabtay, kuwaas oo ay kamid ahaayeen dardargelinta dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyo abaabulka bulshada ee ku aaddan garab istaagga ciidamada geesiyaasha ah ee dagaalka kula jira argagixisada.
— DHAMMAAD —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale














