BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta kala fadhistay reer Koonfur-Galbeed Somalia qodob ka mida ahaa waxyaabihii ay kaga cabanayeen Dowlada taasoo ay marar badan ku celceliyeen in Dowladu ka gaabisay.
Qodobkaan oo ahaa in Dowladu Gobolada kale xooga saartay islamarkaana Bay iyo Bakool Dowladu u soo jeedin in Alshabaab laga dulqaado ayuu Xamza ugu dambeyn maanta u xaqiijiyay reer Koonfur-Galbeed in Dowladu ka go’an tahay xoreynta, horumarinta iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

Raiisul Wasaaraha oo safar shaqo ku jooga magaalada Baydhabo ayaa si kala duwan ula fadhiistay siyaasiyiinta oo ugu horeeyo Madaxweynaha Koonfur-Galbeed C/casiis Laftagareen,odey dhaqameedyada iyo qeybaha bulshada rayidka ah.
C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen oo dhamaan kulamada goob joog ka ahaa ayaan la ogeyn in isaga shacbigiisaba ay ku qanci doonaan balan qaadka Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya madaama maalmihii ugu dambeeyay uu mad-madow siyaasadeed soo kala dhex galay Dowlada Somalia iyo Maamulka Koonfur-Galbeed.
Dhanka kale Raiisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey reer Koonfur-galbeed doorkooda naf-hurnimo ee dowlad dhiska, ilaalinta midnimada iyo wadajirka shacabka, wuxuuna carabka ku adkeeyay a in Xukuumaddiisa DanQaran ay ka go’an tahay horumarka dhanka amniga ee dhulka Koonfur-Galbeed.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person, newsroom and textMay be an image of 15 people, table and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 12 people, people studying and crowdMay be an image of 11 people and daisMay be an image of 11 people and table
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here