LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi-Barre oo saaka ka hadlayay kulan uu la qaatay Baarlamaanka Maamulka Khaatumo ayuu kaga dhawaaqay in Dowladu ku casuuntyay Khaatumo shirka ama gogosha uu dhigay Madaxweynaha Soomaaliya.
“waxaan ku faraxsanahay in Hogaamiyaha SSC Khaatumo ay soo gaartay casuumaadii Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii ugu horeysayna si rasmi ah uu uga qeybgeli doono shirka wada-tashiga qaran”ayuu yiri Xamsa
Sidoo kale mar uu ka hadlayay goobtii dhagax dhiga ayuu Ra’iisukwasaaruhu cadeeyay in Dowladu SSC Khaatumo u aqoonsan tahay maamul ka mida maamul Goboleedyada kale ee dalka ka jira oo walibana ay yihiin maamulkii ugu danbeeyay ee ku soo biira maamulada faderaalka hoos taga.
“SSC Khaatumo daah nagama saarna wa maamulkii ugu da’da yaraa ee maamulada Somaliyed ku soo biira “ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamsa
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM