QAZA (DAYNIILE.COM)-Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in heshiis kasta oo xabad joojin ah oo Gaza laga gaaray ay tahay in ay ku jirto in Israa’iil ay gebi ahaanba ka baxdo Gaza.
Wasiirka difaaca Israel Katz ayaa sheegay in ciidamadu ay ku sii sugnaan doonaan goobaha laga qabsaday ee Gaza si aan xad lahayn, isaga oo ku tilmaamay “goobaha ammaanka”.
Waxa uu sidoo kale sheegay in wax gargaar ah aysan geli doonin Gaza, isaga oo intaa ku daray in Israa’iil ay cunnada u adeegsaneyso sidii qalab cadaadis ah oo ka dhan ah Xamaas iyadoo lagu baaqayo in la qaado go’doominta marinka.
Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 51,025 Falastiiniyiin ah la xaqiijiyay in ay dhinteen 116,343 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo markii uu billowday 18 bilood ka hor.
Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Gaza ayaa cusboonaysiiyay dhimashadeeda in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen. Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii uu socday weeraradii ay Xamaas hoggaaminaysay 7-dii Oktoobar 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM