Sarkaal ka tirsan Xamaas Khaliil al-Hayya ayaa u sheegay Al Jazeera in kooxdu ay diyaar u tahay inay heshiis xabad joojin ah u saxeexdo Gaza, balse Netanyahu uu ka hortagay inay taasi dhacdo.

“Soo jeedintii ugu dambeysay ee Israel waxaa la soo bandhigay May 27, Waxaa soo bandhigay Mareykanka kuwaaasoo tagay Golaha Ammaanka oo halkaas lagu ansixiyay.

Advertisement

“Xamaas ayaa soo dhaweysay mabaadii’da uu soo saaray Biden iyo go’aanka golaha ammaanka, Waxaan filaynay fursad heshiis. Waan ku heshiinnay wadahadallada,” ayuu yiri al-Hayya, oo hoggaamiya kooxda wadahadalka ee Xamaas.

“Hase yeeshee Israa’iil waxay bilowday inay ka fogaato heshiis kasta, iyadoo Netanyahu uu keenay shuruudo cusub oo been abuur isagoo ku andacoonaya in Xamaas ay diiday soo jeedinta” ayuu mar kale yiri masuulka Xamaas

Xamaas waxay xustay inay  ogolaatay soo jeedintii Israel ee la soo bandhigay May 29.

“Waxaan kaliya u dirnay su’aalo dhexdhexaadiyeyaasha kuwaas oo noo xaqiijiyay in dhammaan su’aalahayaga la ansixiyay.” ayuu yiri masuulka Xamaas u qaabilsan wada-hadalada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

TRT World Now on X: "Hamas official Khalil al-Hayya in interview with AP: - We're willing to agree to a truce of five years or more with Israel - We're willing to

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here