Hamas official Osama Hamdan speaks at a news conference in Beirut

BEIRUT (DAYNIILE.COM)-Osama Xamdaan oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ururka Xamaas oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beirut ayaa ka hadlay xaaladda maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyada Israa’iil.

Advertisement

Hamdan waxa uu iftiimiyay inay xabsiyada Yuhuuda ku jiraan  in ka badan 9,500 oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 200 oo caruur ah, tan iyo 7-dii October isaga oo ku eedeeyay ciidamada in ay daldal-dalaadyo ka geysteen Gaza.

Maxaabiista falastiiniyiinta ah ee ay haysato Israa’iil, ayuu sheegay in si joogta ah loo geysto jirdil, garaacis iyo in si adag loo xiro xubnahooda,wuxuu intaasi ku daray in 18 maxbuus lagu dilay xabsiga.

“Xadgudubyada lagu eedeeyay falastiiniyiinta ayaa ah xadgudub bareer ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga a”, ayuu yiri Hamdan, isaga oo ku baaqaya faragelin caalami ah si loo joojiyo falalkan.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here