Colaadda Gaza: Muxuu yahay ururka Xamaas ee iska caabiya Israa'iil? - BBC  News SomaliGAZA (DAYNIILE.COM)-Dagaal-yahanada Muslimiinta ah ee Xamaas ayaa jawaab culus waxay siiyeen Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump taasoo daba socota hadalkiisii ahaa inuu Gaza la wareegayo kana barakicinaayo shacabka.

Kooxda Xamaas oo ah koox hubeysan horena casharo waa weyn ugu dhigtay Yuhuuda ayaa Trump hawada u marisay in reer Gaza aysan u barakaceyn dalal shisheeye balse kaliya ay u barakicin doonaan Qudus oo ah xarunta reer falastiin islamarkaana uu ku yaal masjidka muslimiinta ee Al-aqsa ama Qudus kaasoo ahaa masaajidkii Nabigeena NNKH laga dheelmiyay balse Yuhuudu xoog ku heysato qeybo ka mida.

Advertisement

“Ma jirto u haajirid marka laga reebo in loo haajiro Qudus, taas ayaana dunida oo dhan gaarsiineynaa” ayaa lagu yiri war maanta ka soo baxay dhanka Xamaas .

Sababta ay maanta u sii daayeen sedexda Yuhuuda ahna waxay ku sheegeen kaliya inay ku muujiyaan inaanay ka bixin heshiiska dhawaan la gaaray.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here