GAZA (DAYNIILE.COM)-Dagaal yahanada Muslimiinta ah ee Xamaas ayaa si rasmi ah uga hadleen dilka la sheegay in loo geystay hogaamiyahoodii Yaxya Sinwaar kadib markii ay ka aamuseen saacadihii ugu dambeeyay.

Mid ka mida Saraakiisha sare ee Xamaas Basem Naim ayaa saxaafada u sheegay inuu dhintay hogaamiyahoodii Yaxya Sinwaar balse wuxuu carabka ku adkeeyay ineysan waxba u dhimeyn halganka iyo dagaalka ay kula jiraan YUhuuda.

Advertisement

“dagaalku wuu sii socon doonaa, mana saameyn doono geerida hogaamihaneen”ayuu yiri Basem Naim.

Saraakaan wuxuu cadeeyay in Hogaamiye kasta oo laga dilo ay ka sii qaadayaan dhiiragelin ay halganka ku sii xoojiyaan.

“koleey dhimashada madaxdeena waa arimo laga murgoodo oo xanuun lagu dareemo laakiin marna wax saameyn ah kuma yeelan doonto dagaalka, wuuna soconayaa halganka”ayuu yiri sarakaalkaan u hadlay Xamaas.

Dhanka kale mar uu ka hadlayay sida Yuhuudu ugu faraxdo dilalka ay u geysanayaan hogaamiyayaashooda ayuu tilmaamay in Yuhuuda sida moodaan aysan xaqiiqada dhabta ah ahayn.

“waxay u heystaan dhamaadka dagaalkeena hadii ay hogaamiye naga dilaan laakiin runta taas maaha oo halganku wuu sii socon insha allaah”ayuu yiri saraaklaakaan,.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Yahya Sinwar Death News Live Updates | Israel vs Hamas | Hamas Reacts On  Leader's Death | N18G - YouTube

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here