Guddiga Ku meel gaarka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururrada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha, ayaa maanta daahfuray la tashiga qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka iyo Ururrada Siyaasadda ee Hindisaha Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda.

Guddoomiyaha Guddiga ku meel gaarka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashoyinka Mudane Mahdi Maxamed Guleed oo kulanka furay, ayaa ka qayb galayasha u faahfaahiyay muhiimadda kulanka , gaar ahaan Hindisaha Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada, isagoo xusay in ay uruurin doonaan fikradaha, talooyinka iyo soo jeedimaha kale Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada.

ntaas ka dib, waxaa la guda-galay dhageysiga doodda qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka iyo Ururrada Siyaasadda, iyagoo ka doodday islamarkaana dul istaagay qodobbada Hindisaha Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda, soona bandhigay fikrado kala duwan iyo aragti wax ku ool ah, kuwaas oo mid mid looga diiwaangaliyey dhamman soo jeedimihii ay soo jeediyeen qaybaha kala duwan ee bulshada Rayidka iyo Ururrada Siyaasadda.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.
May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and newsroomMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 7 people and dais
May be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 6 peopleMay be an image of 5 people, suit and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 9 people and daisMay be an image of 6 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here