Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xalay Muqdisho kulan sagootin iyo mahad-celin ah ugu sameeyay Wasiirrada Gargaarka Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo, oo uu wehliyo Agaasimaha Gargaarka Gobalka Banaadir oo shalay Muqdisho uga qeybgalay Shirkii Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya ee ay soo qaban-qaabisay SoDMA.

Kulankaan waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka iyo masuuliyiin kale oo SoDMA ka tirsan, waxaana guddoomiyaha hay’adda SoDMA Wasiirrada uga mahadceliyay ka soo qeybgalka shirkaa, waxaana lagu ballamay in shaqada bulshada loo hayo la dardargaliyo si gaar ah qodobbada shirkii shalay ka soo baxay.

Dhanka kale, wasiirrada gargaarka Dowlad goboleedyada ayaa hay’adda iyo hoggaankeeda uga mahad-celiyay shaqada adag ay bulshada u hayaan iyo xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya.
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 5 people and beardMay be an image of 6 people, table, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here